Beyle oo dhiggiisa Turkiga kala hadlay deyn cafinta Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa arrimahan kala xaajooday dhigiisa Turkiga Lufi Elvan oo ay ku wada kulmeen Ankara.

Warar Keydmedia Online
Beyle oo dhiggiisa Turkiga kala hadlay deyn cafinta Soomaaliya

ANKARA, KON - Masuuliyiinta maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada Soomaaliya ku doonayso in laga cafiyo deynta ee ay dunidu ku leedahay.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa arrimahan kala xaajooday dhigiisa Turkiga Lufi Elvan oo ay ku wada kulmeen Ankara.

Beyle ayaa sheegay in labada dhinac ay si qota dheer u lafagureen qaabeynta qorshe dhammaystiran oo Soomaaliya looga caawinayo dib u habaynta dhaqaalaha iyo sidii uu Turkigu u barbar istaagi lahaa xukumaadda Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay isbedelka dhaqaalaha iyo dib u habaynta waaxda dhaqaalaha ee dalka, sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii horay loogu amba-qaadi lahaa taakulada Turkigu uu siiyo Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan leh” ayuu yiri wasiir Beyle.

Bishii aannu soo dhaafnay Turkiga ayaa Soomaaliya u dammaanad qaadday ka bixinta 3.4 Milyan oo Doollar, taas oo kamid ah lacagaha Hay’adda Lacagta Adduunka ay ku leedahay Soomaaliya.

Turkiga ayaa safka kowaad uga jira dalalka sida weyn u kaalmeeya Soomaaliya isaga oo ka qeyb qaata dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, ciidamada iyo adeegyada bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.