Wasiir Dubbe, “Boqol maxbuus ayaan ku qabanay dagaalka”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbiihinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in ciidankii soo weeraray Beled-Xaawo la jebiyay.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Dubbe, “Boqol maxbuus ayaan ku qabanay dagaalka”

MUQDISHO, Soomaaliya -  Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in cidamada Muqdisho la laga qaaday ee dowladda ay dagaalka ku qabteen ku dhawaad boqol askari oo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Wasiir Dubbe oo Falaago ugu yeeray ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in qasaaro weyn uu ka dhashay dagaalka, isla markana ay Dowladda Kenya dhiibtay hubka ay ku dagaalamen ciidankaas.

Dubbe oo ay Warbaahinta waydiisay sheegashada Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ee ah in ciidanka maamulkaas ay weerartay Dowladda markii hore ayaa sheegay in dagaal saq dhexe lasoo qaaday oo madaafiic lagu bilaabay uusan ahayn qadiyarad Jubbaland balse uu yahay mid shisheeye.

Wasiirka Warfaafinta, oo ah nin aan tagi karin deganada uu kasoo jeedo Soomaalilland ayaa u muuqday mid ku faraxsan dagaalka ka dhacay Balax-Xaawo iyo dhiigga dhalinyarada kala taabacsan Jubbaland iyo Dowladda ee maanta ku daatay Gedo.

Dowladda Farmaajo ayaa 14 Juunyo 2020, shegtay in ay aqoonsatay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, hadana ciidamadii maamulkaas ayay ugu yeereysaa Fallaago aan ahayn kuwo sharci ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.