Wasiir Dubbe iyo Abwaan Shube oo boobay dhulkii Tiyaatarka

Cismaan Abuukar Dubbe, oo ka mid ah gafanayaasha ku naaxay xoolaha shacaba Gobolka Banaadir, ayaa ugu danbeyn u tafaxeytay in uu bililiqeysto qeyb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka, isagoo kaashanaya Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii ay ka soo bilaabatay aafada muddada dheer ku habsatay Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Dubbe iyo Abwaan Shube oo boobay dhulkii Tiyaatarka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cismaan Abuukar Dubbe, oo ka mid ah qurba-joogta xilalka aysan cidna ku matalin ka yaha Dowladda Soomaaliya, ayaa boob iyo bililiqo dhuwaa ku wada qeyb ka mid ah dhulka Golaha Murtida iyo Madadaalada, (Tiyaatarka Qaranka).

Sida ku cad documentiyo ay heshay Keydmedia Online, Wasiir Dubbe, ayaa ganacsato wata shirkad magaceeda la yiraahdo Xaawo Taako, ka kireeyay qeyb ka mid ah dhulka Tiyaatarka, kuwaas oo muddo 20 sano ah, dhulkii danta guud ee bulshadu wada lahayd ugu ganacsan doona si gaar ah.

Golaha Abwaannada Soomaaliyed, oo maanta bannan-bax ay kaga soo herjeedaan tallaabada uu qaaday Dubbe, ku dhigay afaafka hore ee Tiyaatarka qaranka, ayaa Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) oo ah Maareeyaha guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada ku eedeeyay inuu (Shareholder) ka yahay figradda lagu boobayo Tiyaatarka.

Shube iyo Dubbe, labaduba, waxa ay qeyb ka yihiin kooxdii waqtiga ku bixisay in Farmaajo muddo labo sano ah dalka sifo sharci darro ah ku sii maamulo, waxaana Shube lagu xasuustaa gabayadiisii qabiillo kicinta, wuxuuna hadda usoo jeestay boobka hantida shacabka.

Maareeye ku xigeynka Golaha Murtida iyo Madadaalada, laxamiistaha caanka ah, Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir), oo ka mid ahaa bahda fanka ee sida weyn kaga soo horjeestay iibinta dhulka tiyaatarka, ayaa yiri, “Maanta waxa ay taagan tahay in Tiyaatarkii Qaranka ganacsato laga iibiyo, mayeeleyno in tiyaatarka la dhaco”.

Xalwo Maxamed Naxar, oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed, ayaa dalbatay in Labada shaqsi ee boobka ku heysa dhulka Tiyaatarka, lala xisaabtamo isla markaana la hor keeno sharciga, “Dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo Shube aan 24 saac lagu jeebeyn dowladda waan ka soo hor jeesaneynaa, shalay inaga ayaa taaagernay, dadka oo dhanna hadda inaga ayuu nala safanayaa”. Ayay tiri Xalwo.

Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure, oo masuul ka ahaa, in dib loo dayactiro Tiyaatarka, isla-markaana uu Farmaajo, xilkii Maareeye uga qaaday, si uu ugu naasnuujiyo Shube oo ay isku heyb yihiin ayaa isna yiri, “Haddaad been ku timid shalay, buro fool ku taalliyo, bar-madow in aad tahay, maanta waan ku barannoo, berri nama dageyside, Farmaajow, Fahad boqor hakaa dhigo”. Abwaan Guure.

Sida ay sheegeen Abwaannada maanta sida weyn uga hor yimid go’aanka Dubbe, Kooxda boobka wadda oo ku daaban Madaxtooyada, ayaa heshiisyo iyo lacag hormaris ah u siiyay Shube iyo Dubbe, si ay u fududeeyaan boobka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqeen inuu ka hadlo arrinkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.