Wasiir Dubbe oo markale eedeeyay Kenya iyo Jabuuti

Wasiirka ayaa Maanta ka qabtay Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlay War-saxaafadeedka Gollaha Amniga iyo Nabada Midowga Afrika.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Dubbe oo markale eedeeyay Kenya iyo Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa markale eedeyn kulul u jeediyay dowladaha Kenya iyo Jabuuti kadib markii qoraalkii kasoo baxay Gollaha Amniga iyo Nabada Midowga Afrika lagu cambaareeyay muddo-kordhinta Farmaajo.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, ayaa Wasiirka wuxuu sheegay in Soomaaliya ayasan aqbali doonin go'aanada Midowga Afrika, islamarkaana masiirka dalka uu yahay mid u yaalla dowladda oo aan faragelin lagu sameyn karin.

Dubbe ayaa sheegay in Kenya ay cadaawad kala dhaxaysay islamarkaana ay xiriirka u jareen, laakiin waxuu wax lala yaabo ku tilmaamay Jabuuti oo uu sheegay inay qeyb ka tahay dhibaatooyinka loo maleegayo maamulka Farmaajo.

Dowladda Farmaajo ayaa dhexda uga jirta dhibaato xoog leh oo timid kadib mudo-kordhintii uu sameeyay April 12 kaasoo labo sano loogu daray Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.