Wasiir Fiqi: “Maalin walba ciid maahan”

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka mid noqday dadka caanka ah ee taageeraya bannaan-baxa ay iclaamiyeen Midowga Musharixiinta.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fiqi: “Maalin walba ciid maahan”

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah dadka sida xooggan kaga soo hor jeeda Madaxweynaha waqtigiisi sharciga ahaa dhamaaday ee Farmaajo ayaa is weydiiyay dhibaatada ay leedahay in Musharixiinta Madaxtinimada ay si nabad ah ula hadlaan taageerayaashooda, muujiyaanna aragtidooda iyo rabitaankooda.

“Musharixiinta Madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?” Ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa sheegay in banaan-baxyo aan tiro lahayn ay qabsadaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo taageerayaashiis, Dastuurkuna ogolyahay in Mudaharaad nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan, sidaas daraaddeed aysan jirin waddo lagu carqaladeeyo Dibad-baxa Jimcaha.

Wasiirka Amniga Galmudug wuxuu Farmaajo u sheegay in Madaxtooydu aysan ahayn goob lagu waaro, wuxuuna dhagihiisa ku dhibciyay in xuquuqda uu maanta dhiggiis u diidan yahay uusan heli doonin birri, haddii uusan ka waantoobin.

“Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan”. Ayuu Yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.