Wasiir Fowsiya oo lagu daah furay Tallaalka COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Forsiya Abiikar ayaa noqotay mas'iilkii ugu horreeyay ee lagu daah furo tallaalka Caabuqa Covid-19 ee dalka la keenay

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fowsiya oo lagu daah furay Tallaalka COVID-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Tallaalka Covid19 ee la keenay Soomaaliya lagu billaabay DR. Fowziya Abiikar Nuur ayaa noqotay mas'uulkii ugu horreeyay ee iyo qofkii ugu horreeyay ee lagu duro cirbadda tallaalka Caabuqa COVID-19

Waddamo dhowra oo kamida qaaradda Afrika ayaa laga daah furay tallaalka Caabuqan, iyadoo ay jiraan waddamo badan oo iska diiday tallaalka kuwaasoo bulshadooda kala baqay tallaalkan oo loo arkay inuu wato halis fara badan, sidaas daraadeedna ay go'aano rasmi ah usoo saareen waddamo ka tirsan qaaradda Yurub oo gabi ahaanba ka mamnuucay tallaalkan waddamadooda.

Daah-furka tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee dalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Martiini ee lagu dabiibayo dadka qaba xanuunkan COVID-19

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.