Wasiir Fowsiyo oo soo jeedisay in Xayiraad lagu soo rogo dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar ayaa soo jeedisay in dalka lagu soo rogo xayiraad.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fowsiyo oo soo jeedisay in Xayiraad lagu soo rogo dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar ayaa soo jeedisay in ay muhiim tahay in dalka lagaliyo xaalad adag, iyadoo ku baaqday in xayiraad lagu soo rogo dalka oo dhan.

Waxa ay sheegtay Wasiir Fowsiyo in sanadkii hore tallaabooyinkii la qaaday ay ugu muhiimsaneed tii xayiraadda lagu soo rogay dalka, waxayna yareysay in uu sii faafo Caabuqa.

Wasiiradda ayaa barteeda Twitter -ka kusoo qortay qoraal kooban oo ay ku talo bixineyso in xayiraad lagu soo rogo dalka "Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno." ayey tiri Wasiir Fowlsiya.

Tallaabadan xayiraadda ah haddii ay ku dhaqaaqdo dowladda Soomaaliya wuxuu ciriiri ku imaan doonaa ganacsiga dalka dibaddiisa ah, inkastoo waddamada kale ee gobolka iyo kuwa dalalka uu ganacsiga kala dhaxeeyo Soomaaliya aan lagu soo rogin xayiraad dhanka socdaalka ah kaddib laba-kacleynta caabuqa COVID-19 ee adduunka oo dhan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.