Juxa: “Farmaajo isagaa shirka burburiya dhinacyada kalana eedeeya”  

Cabdi Faarax siciid ‘Juxa’ oo ka mid ahaa Musharixiintii xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, doorasadii uu kusoo baxay Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Farmaajo ay meeli u caddahay, oo uusan rabin doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda.

Warar Keydmedia Online
Juxa: “Farmaajo isagaa shirka burburiya dhinacyada kalana eedeeya”  

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Soomaaliya Cabdi Faarax siciid ‘Juxa’ ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu si ula kac ah u burburiyay shirkii wada tashiga ee u socday madaxda qaranka.

“Qorshaha Madaxweyne hore Farmajo ee doorashooyinka Soomaaliya oo ku sifoobay burburi oo eedee dhinaca kale". Ayuu yiri Wasiir Juxa.

Cabdi Faarax siciid, wuxuu sheegay in Farmaajo uu sidaan oo kale hore u burburiyay wada hadllo mira dhali lahaa, taas baddalkeeda uu qaar ka mid ah madaxda kulamada ka qeyb galaysay uu ku eedeeyay in ay shirka burburiyeen.

“Wadahadalladii Dhuusamareeb 4 ayaa Madaxweynuhu si lama filaan ah hadda kahor uga baxay shirkii kuna eedeeyey fashilka Puntland iyo Jubaland isagoo Golaha Shacabka u ordaya”. Ayuu sidoo kale yiri Juxa.

Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uusan doorasho diyaar u ahayn, wuxuu tilmaamay inuu muddo kororsi u socdo, dalkana uu u ku wado waddo qaldan.

“Farmajo diyaar uma aha heshiis iyo isu-tanaasul midna, ee wuxuu u muuqdaa "nin meeli u caddahay, meeli ka madow". Odaygu xil kororsi aan sharci ahayn ayuu ugu socdaa Goleyaal aan iyaguba sharciyad ku fadhiyin ee aan aragno bal waxay dhasho.”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Soomaaliya, wuxuu caddeeyay in dalku uu ku jiro halgan u dhaxeeya labo dhinac oo aad u kala fog, kuwaas oo kala ah "Kelitashi iyo wadatashi".

Shirkii Wada tashiga ee Wakillada Beesha caalamku soo qaban qaabiyeen ayaa burburay, Hay’adda Fulinta Dowladda Fadaraalka ee waqtigu ka dhamaaday ayaana, si adag oo aan hore looga baran duullaan afka ah ku qaadday Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.