Wasiir hore oo lasoo shaqeeyay Farmaajo oo ka hadlay ciidamada Eratariya

Wasiir hore oo la soo shaqeeyay madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliilay siyaasaddii lagu maamulay ciidamadii tababarka loogu qaaday Eratariya ee ka dagallamay Itoobiya

Warar Keydmedia Online
Wasiir hore oo lasoo shaqeeyay Farmaajo oo ka hadlay ciidamada Eratariya

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirkii hore arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo horay uga soo mid ahaa golihii wasiirada ee ugu horreeyay ee uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Kheyre, dibna xilka looga qaaday ayaa aad u dhaliilay arrinta ku aaddan dhallinyarada la ciidameeyay ee ka dagaallamay Itoobiya.

Juxa ayaa dhaliishiiisa ku billaabay "Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda."

Juxa waxaa kale ee uu ku eedeeyay siyaasadda Farmaajo in ay lasoo shaqeysay nidaamka TPLF -ta, waxa uuna tusaale usoo qaatay sheekadii Qalbi-dhagax iyo ururkii ONLF waxa uuna yiri "Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa "ONLF ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo."

Waxaa kale ee uu sheegay in Khiyaano Qaran uu galay Farmaajo waxa uuna yiri isagoo hadalka sii wata "Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa "Khiyaano Qaran", taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan. Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah"

Juxa waxa uu khatar weyn ku tilmaamay ficilkan uu qaadan madaxweyne Farmaajo waxa uuna kusoo gabagabeeyay hadalkiisa "Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.