Wasiir hore uu isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Gollaha Shacabka Kalsoonida kala noqday 25-kii July ayaa ku dhawaaqay maalin kahor inuu u tartami doono xilka madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Wasiir hore uu isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya xiligii koobnaa ee uu Farmaajo Ra'iisul wasaare ka noqday dalka 2011 ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha, una tartami doono doorashada soo socota.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay inuu raadin doono hoggaanka sare ee dalka, isagoo noqonaya musharraxii labaad xili doorashadda qabsoomideeda mugdi badan uu ku jiro. 

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Gollaha Shacabka Kalsoonida kala noqday 25-kii July ayaa ku dhawaaqay maalin kahor inuu u tartami doono madaxweyne.

Khayre ayaa noqdey Ra'iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa mas'uulkii ugu muddada dheeraa ee soo maray dalka sanadihii ugu dambeeyey, ee lagu soo guda jiray geedi socodka dib u dhiska dowladnimada.

Waxuu sheegay inuu yahay shaqsi casharo badan kasoo bartay xukunka, islamarkaana si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.