Wasiir Jamaal oo wajahaya eedeymo musuq-maasuq

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayuu u magacaabey shaqsi ay aad isagu dhaw-yihiin, si aan loo ogaan musuq-maasuqa uu sameynayo.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Jamaal oo wajahaya eedeymo musuq-maasuq

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo ku-tagri-fal awoodeed xafiiska uu shacabka ugu adeegayo.

Agaasimahii Wasaaradda C/qaadir Maxamed Aadan, oo uu shalay xilka-qaadis ku sameeyay, ayaa banaanka soo dhigay xogo qarsoonaa, oo ku saabsan musuq-maasuqa Wasiir Jamaal.

C/qaadir wuxuu xusay in Wasiirka uu danihiisa gaarka ah u isticmaalayo Wasaaradda, oo lunsadey dhaqaale badan, oo deeq-bixiyaasha ugu tala-galeen in mashaariic lagu fuliyo.

Waa nin musuq-maasuqiisa si hoose u wato, oo lacag badan lunsadey, wuxuu ahaa shaqsigii maraakiibta China u fududeeyay kalluumeysiga Soomaaliya," ayuu yiri C/qaadir.

Wasiir Jamaal ayaa mudo dheer joogay xafiiska, taasoo u fududeysay inuu sameysto xiriiro dibadda ah, oo aad u xoogan, waana ninka deeqbixiyaasha u gudbiya mashaariicda dowladda.

Qoraalkii uu wasiirka soo saarey shalay ayuu ku eedeeyay agaasimaha shaqo joojinta ku sameeyay inuu ku kacay ku takrifal awoodeed iyo qaadasho Go’aano uusan cidna kala tashan.

Jamaal oo soo noqdey Safiirka Soomaaliya ee Kenya kahor inta uusan Khayre u magacaabin xilka hadda uu hayay, ayaa kamid ah Wasiiradda gacanta ugu jira MD hore Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.