NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Janan ayaa u arka Farmaajo inuu yahay dagaal ooge
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo warbaahinta kula hadlay duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu is casilo, islamarkaana aanu dalka u horseedin dagaal iyo dhibaato kale.
Waxa uu sheegay Janan in isaga iyo Farmaajo ay yihiin kuwo qaraabo dhow ah, islamarkaana aanay jirin wax gaar ah oo lagu taageeri karo, isaga oo ku sifeeyey inuu yahay kaligii taliye.
“Farmaajo ilma adeer baan nahay waxaan kula talinayaa in uu is casilo oo dalka dhaafo qaatana talada musharixiinta in dalka laga qabtana kaalin ayaan ka qaadanayaa aniga iyo ciidankeyga”
Dhanka kale, Janan ayaa sheegay in mas'uuliyadda wax walbo oo dalka ka dhaca gaar ahaan Jubbaland in uu qaadi doono Farmaajo, islamarkaana maalin un lagula xisaabtami doono.
Farmaajo ayaa abaabul ciidan ka wada Gedo, waxaana uu doonayaa inuu ku weeraro maamulka Jubbaland.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments