Wasiir ka hor yimid baaritaanka xubno lagu eedeeyay xatooyo

Tallaabada uu qaaday hanti-dhowraha Puntland ayuu sheegay wasiirka Waxbarashada Puntland inay keeni karto in hay’adaha joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka hor yimid baaritaanka xubno lagu eedeeyay xatooyo

GAOWOWE, Soomaaaliya - Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay hannaanka uu hanti-dhawrka Puntland u maray baarista agaasimayaasha waaxaha wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.

Waxa uu sheegay in waddo sax ah uusan u marin hanti-dhawrka Puntland hakinta dhaq-dhaqaaqa Akoonada Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Wax-isdaba marin iyo musuq maasuqa lagu soo eedeeyay xubno ka tirsan wasaaradda ayuu ka muujiyay walaac xoogan, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya dhab ahaanshiyha arrintaas.

Tallaabada uu qaaday hanti-dhowraha Puntland ayuu sheegay wasiirka Waxbarashada Puntland inay keeni karto in hay’adaha joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii uu hanti-dhawrka guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax, ka joojiyay Shaqada qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq.

Xubnaha shaqa joojinta lagu sameeyey waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamul goboleedka uu hoggaamiyo Siciid Deni.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.