Wasiir katirsanaa Koonfur Galbeed oo xilka laga qaadey

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sameeyay xil ka-qaadista dhowr Wasiir oo maamulkiisa katirtsanaa tan iyo doorashadiisii December 2018.

Warar Keydmedia Online
Wasiir katirsanaa Koonfur Galbeed oo xilka laga qaadey

BAYDHABO, Soomaaliya - War-saxaafeed kasoo baxay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdixasiis Lafta-Gareen uu xilka ka qaadey Wasiirkii Warfaafinta Maamulkaas, Ugaas Xasan Cabdi.

Ilyaas Saciid Cali [Qalinle], ayaa loo magacaabey xilka laga qaadey Ugaas Xasan, oo ahaa Wasiir mudo dheer xilkaasi oo hayay isagoo lasoo shaqeeyay Maamulkii uu madaxda ka ahaa Shariif Xasan, oo shaqada isaga tagey kahor doorashadii Lafta-Gareen, markii uu mudo xileedkiisa dhamaaday.

Lama sheegin sababta xilka qaadista Wasiirka, balse waxay kusoo beegmaysaa tallaabadan xili uu jiray Khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale digreetada ku magacaabey Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, oo loo dhiibay Suleyman Shuceyb.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.