Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay Maanta in kulankii Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta lagu guuleystay in la qaado xayiraadda uu Farmaajo soo rogay.
NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa qarka u saaran inay dib usoo ceshato Suuqii Soomaaliye ee u iib-geyn jirtay Qaadka Miiraa, oo tan iyo 2020 uu saarnaa xayiraad.
Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay Maanta in kulankii Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta lagu guuleystay in la qaado xayiraadda uu Farmaajo soo rogay.
“Shanta bisha July 2022, waxay labada dowladood ku kala saxiixan doonaan heshiis cusub magaaladda Nairobi,” ayuu yiri Munya oo olole doorasho u joogo G/Meru.
Meru waa meesha uu ka baxo Miraa, waxaana Wasiirka oo arintan uga raadsanayaa dadka degaanka eek u tiirsanaa lacagta Qaadka codad doorashadda August 2022.
Wuxuu ka shaaciyay hadalka heshiiska Qaadka Khudbad uu ka jeediyay Garoonka Kubadda Cagta ee Kinoru, oo kumanaan qof oo reer Meru uu kula hadlayay Maanta.
Munya ayaa u ololeynaya Raila Odinga, oo ah Musharax Madaxweyne, oo loo saadaalinayo inuu bedeli doono Uhuru oo labo jeer oo is xigta ku guuleystay xilka.
Dowladda Soomaaliya xiligii Farmaajo ayaa joojisay Qaadka joojiyay March 19 sanadkii 2020, iyadoo loo sababeeyay Covid-19, mana la qaadin xayiraadda maadaama xiriirka diblomaasi ee labada dal uu xumaadey, oo meel hoose gaarey.
Xayiraadda ayaa keentay khasaaro xoog leh inuu soo gaaro beeralayda Qaadka gobolka Meru, kaasoo lagu qiyaasay ku dhawaad 4 milyan oo dollar maalin walba.
In ka badan 50 tons oo Qaad ayay Kenya keeni jirtay Soomaaliya, iyadoo Muqdisho kaliya imaan jireen 16 diyaaradood, kuwaasoo lacagp Kaasha ah la laabanayay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments