“Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Guddoomiye Cawad ayaa xoog u haysta guryaheena”

Muqdisho waxaa ka jira isku awood sheegasho iyo in shaara dowladda lagu dulmiyo dadka shacabka ah.

Warar Keydmedia Online
“Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Guddoomiye Cawad ayaa xoog u haysta guryaheena”

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad iyo wasiirka Gargaarka DFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu eedeeey iney xoog ku haystaan guryo uu lahaa Jeneraal Maxamed Abshir Muuse.

Caruurta uu dhalay Jeneraalka ayaa Labadan mas'uul ka kireeyey guryahan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, balse sanad markii ay deganaayeen ayeey Labadooduba diideen iney bixiyaan kirada, waxaana ay u sheegteen awood.

Cumar Maxamed Abshir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in DFS dalbanayaan cadaalad, una baahan yihiin in dib loogu soo celiyo guryahooda.

"Waxaan dacwad ka nahay annaga oo ah ilmo Maxmed Abshir, dadka guryaheena xoogga ku haysta kuwaas oo kala ah, Mahad Cawad iyo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaan ka codsaneynaa dowladda in ay guryaheena inooga saaraan sidoo kalena xaqeena naga siiyaan"

Caa'isha Maxamed Abshir Muuse oo iyana la hadasay warbaahinta ayaa tilmaantay in walaalkood oo lagu magacaabo Maxamed Abshir uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho una wakiisheen in arrintan uu wax ka qabto, DFS looga baahan yahay iney qoyskooda caawiso.

Waxaan halkaan ka cadeynayaa in walaalkey Cismaan Maxamed Abshir uu wakaalad naga haysto hadaan nahay reer Maxamed Abshir, waxaan ka codsanayaa dowladda in dadkaasi ay guryaheena xoogga ku haysta inooga saaraan oo gacanteena dib inoogu soo celiyaan, markii hore kiro ayeey ku galeen, kadibna awood ayeey sheegteen"

Mahad Cabdalla Cawad iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo xilal sare ka haya DFS ayaan ka hadlin guryahan ay xoogga u haystaan, sidoo kalena ma jirto cid DFS oo wax u qabatay qoyskaan dhibban.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.