Wasiir saaxiib la ah Farmaajo oo lagu qashqashaadey Puntland

Wasiir Jamaal ayaa maalmo kahor u tagey magaaladda uu kasoo jeedo ee Dhahar olole doorasho kursiga uu hadda ku fadhiya ee Gollaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Wasiir saaxiib la ah Farmaajo oo lagu qashqashaadey Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Rooble Jamaal Maxamed Xasan ayaa Maanta laga hor istaagey inuu Ciidamo la galo magaaladda Garowe, ee xarunta Maamulka Puntland.

Degaanka Sin-u-Jiif ayay Ciidanka Puntland ku joojiyeen wasiirka, iyagoo ku wargeliyay inuusan Ciidan iyo Gaadiid dagaal toona la gali karin magaaladda oo uu doonayay inuu uga soo duulo Muqdisho.

Saddex maalin kahor ayuu Wasiirka Qorsheynta xaalad kacsan ka abuuray Garowe kadib markii Ciidan isaga u yimid inay galbiyaan iyo kuwa Puntland ay fooda is-dareen, taasoo lagu sigtay inay dagaal isku bedesho.

Wasiirka oo reer Sanaag ah, ayaa ku dhaw Farmaajo oo saaxiibo yihiin, waxaana uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo Villa Somalia ku kacsan.

Deni oo ah shaqsi aan dul-qaad lahayn ayaa aad uga caroodey qoraallo uu Jamaal bartiisa Twitter-ka dhawaan soo dhigay, oo uu ku eedeynayay Madaxweynaha inuu faragelin ku hayo doorashadda dalka.

Deni ayaa hadda isku dayaya inuu Jamaal ka reebo doorashadda, oo uusan markale soo noqon, inkastoo Wasiirka uu taageero ka heysto Beesha uu kasoo jeedo oo kamid ah kuwa saami-qeybsiga ku leh Puntland.

Deni ayaa la sheegay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ka shaqeynayaa sidii uu kusoo saaran lahaa Xidhibaanno u codeeya, iyadoo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday Garowe ay kusoo baxeen xubno u badan Wasiiradda Maamulkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.