Wasiirka Amniga “Waa in aan ka hortagnaa Weerarro aargoosi ah”

Muqdisho (KON) - Wasiirka Amniga Qaranka DFS, Khaliif Axmed Ereg ayaa ka digay Weerarro aargoosi ah oo ay Argagixisadda Al-Shabaab ka geestaan Dalka, kuwaaso jawaab u noqon kara dilka Axmed Cabdi Godane oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Wasiirka Amniga “Waa in aan ka hortagnaa Weerarro aargoosi ah”

Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa digniin soo saartay Saakay, wuxuuna Wasiirka Amingu sheegay in dhimashada Godane kadib laga yaabo in Argagixisadda ay aargoosato.

Wasiirka Amniga Qaranka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay suurtagal tahay Weeraro Al-shabaab ay geeystaan oo ka dhaca Gudaha Dalka Soomaaliya islamarkaana ay ugu Aargudayaan Horjoogahoodii Axmed Godane.

Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Heegan la galiyay, wuxuuna ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

"Ciidamada waxaan fareynaa in ay Heegan galaan oo ay ka hortagaan wax walba oo Al-shabaab ku Aargoosan karaan, Al-shabaab jab iyo halaag ayaa ku dhacay Maskoodii ayaa Madaxa looga istaagay (...) Waxan ugu baaqaynaa umadda Soomaaliyeed ama mas'uuliyiitana inay foogjnaadaan iskana ilaalinayaan koxanaha nabd-diidka ah oo samayn kara weeraro naf la caarinimo ah," Ayuu yiri Ereg.

Wasiirka Amniga Qaranka  ayaa sidoo kale sheegay in inta ka hartay Al-shabaab ee dhuumashada ku jira la soo dhaweynayo hadii ay isku soo dhiibaan Xukumadda Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wada jir u xaqiijiyay Dhimashada Hogaamiyaha Maleeshiyada Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho