Wasiiradda HirShabeelle oo ka cararay Beledweyne

Jeneraal Xuud oo kasoo horjeeda qaabkii uu Farmaajo u dhisay Maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa weerar ku qaadey magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda HirShabeelle oo ka cararay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wasiiradda maamulka HirShabeelle oo shalay kulan ku qaatey markii ugu horeysay Beledweyne, ayaa ka cararay magaaladaas oo amnigeeda faraha kasii baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradda ay uga baxeen magaaladda sababo amni, kadib markii shalay uu dagaal ka dhacay Xaafado katirsan oo uu weerar kusoo qaaday Jeneraal Xuud oo kasoo horjeeda maamulka Guudlaawe.

Magaaladda waxaa ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Daba-Geed kaasoo Wasiiradda ku casuumat magaaladda si maamulka halkaasi loo geeyo sanad kadib, balse ay u suurtagali waysay taasi.

Jeneraal Xuud ayaa waxaa duleedka Beledweyne ku haystaa Malleeshiyaad isaga taabacsan oo Xawaadle iyo Gaaljecel u badan, kuwaasii diiday in xilka Madaxweynaha laga wareejiyo Beeshii lahayd ee Xawaadle, lagana dhigo Abgaal.

Farmaajo ayaa bedelay nidaamka awood qeybsiga HirShabeelle, isagoo ka leh ujeedo doorasho, wuxuuna ka dhigay Madaxweynaha mid isaga taageersan oo kuraasta Xildhibaanada Federaalka u boobi kara.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.