Wasiiradda Puntland oo yeeshay kulan xasaasi ah

Madaxweyne Deni ayaa shir gudoomiyay Wasiiradda, iyadoo lagu ansixiyay Kulanka sharciga Isgaarsiinta Puntland iyo qodobo kale oo amaanka iyo bini'aadanimada kamid ahaayeen.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda Puntland oo yeeshay kulan xasaasi ah

GAROWE, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wasiiradda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.