Wasiiradii gaaray Marka oo kulan la leh Odayaasha Magaalada

Marka (KON) - Wafdi uu Hogaaminayo Max’ed Sh Xasan Xaamud Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo ku sugan Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kulan la qaatay Odayaasha Magaalada Marka.
Warar Keydmedia Online
Wasiiradii gaaray Marka oo kulan la leh Odayaasha Magaalada

Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Xubnaha Wafdiga iyo sidoo kale Odayaal ka socda labada dhinac ee Magaalada ku Dagaalamay ay kulan hada leeyihiin.

Mas’uuliyiin ka mid ah Wafdiga Dowladda Federaalka ayaa Keydmedia Online u sheegay in laga wada hadlayo sidii Xal looga gaari lahaa Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale Dhinacyada ku dagaalamay Magaalada Marka ayaa Dhaliilay Qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u Xalineyso dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose.

C/laahi Khaliif Rooble iyo Max’ed Cismaan Yariisow oo labaduba ka soo kala jeeda Dhinacyada ku dagaalamay Gobolka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan daacad ka aheyn Dagaalka Shabellaha Hoose in ay xaliyaan.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay maalmo ka hore Dagaal u dhaxeeya Labo beelood,kaas oo ay ku dhinteen Dad badan kuwa kalena ay ku Barakaceen.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho