Wasiirka Afrika ee UK oo war cusub soo saaray

Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska James Duddridge ayaa mar kale ka hadlay arrinta cakiran ee Soomaaliya, waxa uuna ku celiyay muhiimadda ay leedahay wada-hadallada in lasii ambaqaado!

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Afrika ee UK oo war cusub soo saaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa mar kale ku celiyay baaq ay dowladda Ingiriisku horay usoo jeedisay ee ahaa in dib loo ambaqaado wada-hadalladii udhaxeeyay madaxda Soomaalida ee muranka xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka ka dhex taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Xafiiska Wasiirka Afrika ee UK ayaa war qoraala laga soo saaray kaasoo lagu yiri "UK Waxay hoosta ka xarriqaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo ee lagu qabtay magaalada Baydhabo" waxaana meesha laga saaray wax ka duwan heshiiskii 17-kii Sebtember iyo soo jeedintii 16 -kii Febaraayo.

"Boqortooyada Midowday (UK) ma taageeri doonto ficilada u horseedaya geedi socodka doorashooyinka qayb ahaan ama isbarbar socda, ama si toos ah muddo kororsi loogu sameysanayo" ayaa lagu yiri warbixinta 

Hadalka dowladda UK ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili ay sii kordheyso hadal-heynta ku aaddan in Golaha Shacabka BJFS uu maanta qorsheynayo in muddo kordhin loo sameeyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxa ayna u egtahay in hadalkan uu daba-socdo warka la xiriira in kooxaha isku haya siyaasadda koox kamida ay dooneyso in ay iskeed u dhodhoobto wax u eg nidaam doorasho oo been ah!

Toddobaadkii ugu dambeeyay waxaa iska soo daba-dhacayay baaqyada ka imaanayay Beesha Caalamka ee lagula hadlayay madaxda dalka iyo hoggaamiya yaasha dowlad goboleedyada, waxaana qaar kamida baaqyadaasi ay ku qornaayeen hab ka careysiiyay madaxweyne Farmaajo, taasoo wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe uu soo saaray qoraal uu ku leeyahay Danjire yaasha ajaanibta ah waa in ay tix galiyaan madax-bannaanida Soomaaliya!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.