Wasiirka Amniga oo la kulmay RW dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalka Qadar.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Amniga oo la kulmay RW dalka Qadar

DOOXA, Qadar - Sii-hayaha xilka Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qadar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa bin Cabdi Caziiz Al Thaani.

Kulanka dhexmaray Wasiir Xundubey iyo RW Sheekh Khaalid Bin Khaliifa ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qadar ee ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Dowladda Qadar ayaa ah saaxiibka koowaad ee ay dowladda Farmaajo la leedahay waddamada Khaliijka, waxayna ka saaciddaa dhinacyo badan oo ay kamid tahay amniga, waxaana dowladda Qadar ay siisay dowladda Soomaaliya hub farabadan inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.