Wasiirka Amniga oo la wareegay xilka wasaaradda

Muujado siyaasadeed oo xooggan ayaa ku dhuftay dalka, kadib markii xilkii Agaasimaha Hay’adda NISA, laga raacdeeyay eedeysane, Fahad Yaasiin Xaasi Daahir.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Amniga oo la wareegay xilka wasaaradda

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Cabbdullahi Maxamed Nuur, oo uu xalay xilkaas u magacaabay, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta la wereegay xilka, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda.

“Kusimaha Wasiirka Amniga Gudaha ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga mudane Farhan Ali Ahmed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha C/llaahi Maxamed Nuur, iyadoo xil wareejinta ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Agaasime waaxeedyada kale ee wasaaradda”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaradda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dhanka kale, Wasiirkii xilka laga raacdeeyay ee Xasan Xudubey Jimcaale, ayaa kahor yimid xilka-qaadistii xalay lagu sameeyay, isagoo sheegay in Rooble uu yahay xil-gaarsiiye, balse uusan noqon karin xilka-qaade.

"Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Kaqaade ma ahan," ayuu ku yiri qoraal uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay waxyar kadib markii laga xayuubiyay jagada.

Muujado siyaasadeed oo xooggan ayaa ku dhuftay dalka, kadib markii xilkii Agaasimaha Hay’adda NISA, laga raacdeeyay eedeysane, Fahad Yaasiin Xaasi Daahir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.