Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo la kulmay safiirka Turkiga ee Somalia

Turkiga ayaa xiriir aad u wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana uu ka caawiyaa waxyaabo aad u badan.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo la kulmay safiirka Turkiga ee Somalia

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada-hadleen xojita xiriirka Labada dal.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidan lagu yiri:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz. Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida. 

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.