Wasiirka Arrimaha gudaha DF oo xalin la’ xiisadda Hirshabelle

Jeneraal Xuud iyo maleeshiyadiisa ayaa diiddan xalka kama dambeysta ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Arrimaha gudaha DF oo xalin la’ xiisadda Hirshabelle

BALADWEYNE, KON - Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa weli aad ugu mashquulsan sidii xal loogu heli lahaa arrinta Hirshabelle oo u muuqata mid ku cuslaatay wasiirka.

Wasiirka ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay Jeneraal Xuud iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ku sugan deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Baladweyne.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyey KON in Jeneraal Xuud iyo qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ay shuruudo adag soo hordhigeen wasiirka, tasi oo aan u muuqan mid suurtageli karta.

Beesha xawaadle ayaa doonaysa iney ka sad bursado beelaha kale ee deggan Hirshabelle, waana sabata ay ku diiddan yihiin maamulka Hirshabelle.

Janaraalka hoggaaminaya Jabhadda la baxday Xaq-u-dirir ee ku sugan Gobolka Hiiraan Gen. Xuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay dhisi doonaa maamul cusub oo ka hirgala Hiiraan. 

Xuud ayaa waxa uu diray farriin ku socota madaxda Dowladda Soomaaliya iyo tan Dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo ugu baaqay in ay isaga baxaan Baladweyne sida aan kasoo xiganey xubno kulankaas ka qayb galey.

Hirshabeella ayaa wajahaysay kala qeybsanaan iyo mucaarado gudaha ah oo ka dhashay khilaafaad ay dowladda Farmaajo abuurtay, oo ay kamid tahay inay afduubtay doorashadii Jowhar iyo inay xilka Madaxweyne ka wareejisay Beeshs Xawaadle, una dhiibtay Abgaal.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.