Wasiir la dhaariyay xili Golaha Shacabka BJFS uu ku maqan yahay fasax

Iyadoo dhawaan la magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada arrimaha bulshada, ayaa maanta la dhaariyay xilli Golaha Shacabka BJFS uu ku maqan yahay fasax muddo bil ah. 

Warar Keydmedia Online
Wasiir la dhaariyay xili Golaha Shacabka BJFS uu ku maqan yahay fasax

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ay maanta yeesheen ayaa waxaa shir guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey waxaana goob joog ka ahaa xubo ka tirsan Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka iyadoo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa ku maqan fasax muddo bil ah, iyadoo fasax ka billaabanaya 2 May kuna eg 2 Jun ay gaeen dhammaan xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa howlaha muhiimka ah ee loo baahdo inta fasaxa lagu maqan yahay sii wadaya xubnaha joogtada ah ee Golaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.