Qaar kamida askarta CXDS oo la dallacsiiyay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta la kulmay qaar kamida saraakiishii iyo saraakiil xigeenadii ka qeyb galay dagalladii Bariire iyo Aw-dheegle

Warar Keydmedia Online
Qaar kamida askarta CXDS oo la dallacsiiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xil-gaasriinta Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji  ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay dagaalkii kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen saldhigyada ciidan ee Aw-dheegle iyo Bariire.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysnaa kusoo qaadday saldhigyada labadaas xero iyagoo halkaa ku dilay kuna dhaawacay tiro ka tirsan ciidamada XDS, dhankoodana la dilay tiro kale oo aad u badan kuwaasoo muuqaal laga soo duubay lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu jab xoog leh iyo qasaarabo kasoo gaaray dhinacyadii isaga hor yimid.

Inta badan ciidamda xoogga dalka Soomaaliyeed ma helaan taageero iyo dhiirragalin kaga timaadda madaxda sare ee dalka, taasina waxay sababtay in inta badan aysan guulo ka gaarin ciidamda. Afartii sano ee u dambeysay ayaa la xaqiijiyay in aysan jirin wax tallaabo ah oo loo qaaday dhinaca deegaannada ay haystaan kooxda Al-Shabaab, mana jirto magaalo lagala wareegay kooxdaasi marka laga reebo dhowr tuulo oo ay inta ka baxeen qaarna ay dib ugu soo laabteen iyadoo aan dagaal ka dhicin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].