Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalladii CXDS

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumada xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee CXDS

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalladii CXDS

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xil-gaasriinta Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa  ka hadlay howlgalladii dhawaan ka dhacay deganada Galmudug isagoo boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay la wareegay Degaanada Labi-dulle iyo dhabana –dhulkuheys  oo hore  ay gacanta ugu hayeen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale laba maalin kahor ay ciidamadu fuliyeen howlgal kale oo ay ciidamada xoogga ee ku sugan Galmudug ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug.

Wasiirka ayaa isagoo la hadlayay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida “Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeenn  waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud , Maamulka  , shacabka iyo masuuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin , Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in CXDS ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda“ 

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana dhankeeda dar-dar galisay howl gallada ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyagoo toddobaadkan weerar qorsheysnaa ku qaaday Saldhigyada Awdheegle iyo Bariire.

KEYDMEDIA ONLINE

.

Commenting is not available in this channel entry.