Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Odowaa iyo taliyeyaal Ciidan ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Lorenzo Guerini ayaa Maanta oo Talaado ah booqasho aan horey loo shaacin ku yimid Muqdisho.
Waxaa Garoonka diyaarada ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage, iyadoo aan lagu arag soo dhaweynta Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.
Lama oga ujeedka ka dambeeya iyo sababta booqashadda Lorenzo Guerini oo kusoo aadaysa xili khilaaf siyaasadeed xoog leh uu ka jiro Soomaaliya, islamarkaana lagu muransan yahay doorashadda.
Inta uu joogo Muqdisho waxaa la filayaa in Wasiirka uu kulamo la yeesho Farmaajo iyo Rooble, oo kala hadlo xiririka iyo iskaashiga labada dalka, gaar ahaan dhanka difaaca iyo Ciidamada.
Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Midowga Yurub ee ka jooga Soomaaliya tababariyaal Ciidanka oo tababar siiya Ciidamada militeriga dowladda Federaalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments