Dubbe: Wasiirka iska hadla ee xukuumadda RW Rooble

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Cusmaan Dubbe ayaa noqday mid fariimaha uu soo jeedinayo ka fiirsan, kana fiirsan oraahda afkiisa ka imaanaysa, hadaba waa kuma Dubbe? 

Warar Keydmedia Online
Dubbe: Wasiirka iska hadla ee xukuumadda RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Cusmaan Dubbe oo Muqdisho u yimid lataliye Wasaaradeed isagoo doonaya ayaa buuxiyay kaalintii wasiir Maareeye ee matalaadda gobollada Waqooyi ee Somaliland, Farmaajo ayaa markii uu arkay u aqoonsaday inuu baddal wanaagsan u noqon karo Maareeye oo ahaa siyaasi lasoo shaqeystay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka. 

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa eed usoo jeediyay dan-jirayaasha ka socda dalalka kale ee caalamka ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu ku eedeeyay in ay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya, isagoo og in Beesha Caalamku ay tahay tan dowladda la garab taagan dhaqaalaha, haddana kala hadlaysa arrimaha doorashooyinka la xiriira ee muranka badani uu ka taagan yahay.

Maalmihii u dambeeyay safaaradaha dalalka ka tirsan Beesha Caalamka ayaa soo qorayay farriimo lagula hadlayo madaxda dowladda dhexe, waxaana inta badan farriintooda ay ahayd in lawada hadlo, dalkana ay ka dhacdo doorasho, khilaaf dambena aan loo dul-qaadan karin, qaar kamida safaaradaha ayaa soo jeediyay in la isku tanaasulo loona turo shacabka Soomaaliyeed, waxay ku celceliyeen in aan la aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, mid bar-bar socota iyo qalalaase. 

Dubbe oo fariimahaas ka jawaabaya ayaa yiri "Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” 

Madaxbannaanida uu sheegayo Wasiir Dubbe waxa uu ka wadaa in Farmaajo uu iska walaaqdo doorasho isaga kaligii ah, xukunkana uu iska sii joogo, waxa uuna moog yahay in Beesha Caalamka uu dhaqaale uga baxo Soomaaliya oo caawinteeda wax lagu socodsiinayo.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markuu la hadlayay dhallinyaro ku kulansan barta Clubhouse ka isagoo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdi Janan oo dowladdu wada-hadal dhaqaale siin ah kula jirtay uu isna aragtidiisa ku yiri "Waaa baxsad la doon-doonayo, dalkana dambiyo qaran ka galay!"

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.