Wasiirka Iskaashiga Sweden oo Muqdisho yimid iyo ballanqaad uu sameeyay

Wasiirka Iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dowladda Sweden ayaa soo gaaray xarunta dowladda hoose ee Xamar, issgoo maamulka gobolka Benaadir usameeyay ballanqaadyo.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Iskaashiga Sweden oo Muqdisho yimid iyo ballanqaad uu sameeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta, shaqo abuurka dhalinyarada, adeegyada bulshada iyo arrimaha barakacayaasha.

Gobolka Benaadir oo lagu qiyaasay in ay ku noolyihiin in kabadan 3 million oo qof ayaa ubadan dhallinyaro, mana haystaan cid kale oo ay caawinaad ka helaan.

Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo afartii sano ee ay joogeen xafiisyada, lama shaqaaleysiin qofna, iyadoo shaqaalaha rayidka muddadaas afarta sano ah aysan qofna shaqaaleysiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.