Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Forsiya Abiibakar iyo Xoghayaha goojtada ee xafiiska RW Dr.Maxamed Ibraahim ayaa la kulmay ganacsato ballan-qaad usameysay in ay qeyb ka qaataan la dagallanka COVID19
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya marwo Fowsiya Abiibakar iyo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Dr.Maxamed Ibraahim ayaa la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo ballan qaadday in ay gacan ka geysan doonaan sidii loola tacaali lahaa Caabuqa halista badan ee COVID19.
Ballan-qaadkan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Caabuqa Covid19 oo maanta kaliya laga helay 117 ruux oo la xaqiijiyay in ay qabaan Caabuqa Covid-19.
Waxaa laga Helay: 117 ruux
83 kamida Gobolka Banadir ayey ku sugan yihiin, iyadoo 32 kalena ay ku sugan yihiin maamulka Somaliland, Jubaland ayaa la xaqiijiyay in 2 ruux uu ku dhacay
Tirada dhimashada afar iyo labaatankii saac ee udambeeyay ayaa lagu sheegay 7 ruux oo 4 kamida ay joogaan gobolka Benaadir, halka 3 kalena ay joogaan Somaliland, waxaana ka bogsaday 36 ruux oo horay looga helay caabuqa Covid-19 kuwaasoo ka reystay kaddib markii baaritaan labaad lagu celiyay.
Tirada guud ee laga helay dadka qaba caabuqa Covid-19 waxaa lagu sheegay 8,438 ruux
halka bogsashada guudna lagu qiyaasay 4,004 ruux
waxaana u dhimatay Covid-19 guud ahaan dad tiradooda lagu sheegay 307 ruux.
Sidaas waxaa lagu shaaciyay warbixintii maanta ee laga soo saaray xafiiska Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments