Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Mooshinka laga soo gudbiyey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Guuleed ayaa la sheegay in uu ku qotomo Wax qabad la’aan iyo Amaanka Dalka oo uu ku Fashilmay.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka Gudoomay Mooshinka Xildhibanada maanta ay ka soo gudbiyeen Wasiir Guuleed.
Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Cod u qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, waxaana Baarlamanka ay Cod Aqlibiyad leh ugu Codeeyeen in uu Joogo oo uu sii Shaqeeyo, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.
Waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in Mooshinka laga Keenay Wasiirka Amniga lagu soo dari doono Ajandayaasha Baarlamaanka ee Soo socda.
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments