Wasiirka arimaha gudaha “Waa ayaan daro xiligan in Dagaal la huriyo”

C/qaadir Cali Cumar oo ah wasiirka arimaha gudaha ee Dowlada KMG ah ayaa ugu baaqay dhinacyada Dagaalka kula jira in ay fadliga Bisha Ramadaan tix galiyaan isla markaana ay joojiyaan Dagaalada.
Warar Keydmedia Online
Wasiirka arimaha gudaha “Waa ayaan daro xiligan in Dagaal la huriyo”

"Waa arin ayaan daro ah xiligan in la abaabulo Dagaal isla markaana  lagu hanjabo daadinta dhiiga ummadda Muslimiinta, waxaan ka dalbaneynaa   dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda ee hubka sita in ay tix galiyaan Ramadaanka" sidaa waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha Dowlada KMG.

Hadalka C/qaadir Cali Cumar ayaa waxa uu imaanayaa xili Dhinacyada hubeysan ee Dowlada ka soo horjeeda iyo xoogaga Ahlu-Suna ee Dowlada taageera intuba ay si isku mid ah ugu baaqeen dar dar galinta Dagaalada inta lagu guda jiro Bishan Ramadaan.

www.keydmedia.net