Wasiirka Gaashaandhiga: Ismiidaaminta waxaa fuliyay Alqaacida

MUQDISHO(KEYDMEDIA) R.wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhiga dowlada KMG ah C/xakiin Xaaji fiqi oo booqday isbitaal madiina ayaa dusha uga tuuray qarixii maanta ka dhacay Muqdisho ururka Al-qaacida.
Warar Keydmedia Online
Wasiirka Gaashaandhiga: Ismiidaaminta waxaa fuliyay Alqaacida

“Fikradan waa mid ka fog shabaab, waxaana qaraxan ka danbeeyay alqaacida, aduunweynaha waxaan ugu baaqayaa in ay naga gacan siiyaan wax ka qabashada AL-qaacida” sidaa waxaa yiri C/xakiin Fiqi oo warbaahinta la hadalay.

Qaraxyo hore oo dowlada deegaanada ay ka taliso laga fuliyay ayaan ilaa iyo hadda si dhab ah loo cadeyn dadkii fududeeyay fulintooda, waxaana dad badan ay aaminsanyihiin abaabulka iyo fududeynta qaraxyadan in ay lug ku leeyihiin madax ka tirsan dowlada.

 Www.keydmedia.net