Exclusive: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo lagu xiray London // Warbixin

London (KON) - Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa ku xiran Magaalada London ee Dalka Britain, waxaana lagu haystaa Baasaboor been abuur ah.
Warar Keydmedia Online
Exclusive: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo lagu xiray London // Warbixin

Illo xog ogaal ah oo ka ag dhow-dhow Wasiirka ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Wasiirka lagu qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Heathrow Airport.

Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa haatan ku socoto Dacwad la xiriirta Baasaboorka, waxaana lagu helay Dambiga Dukumenti Been abuur ah.

Wasiirka ayaa la galay London Baasaboor qaldan, waxaana lagu qabtay Baasaboor Been Abuur ah oo aan Magaciisa aheyn oo ah nooca loo yaqaan "British overseas" - Waa Baasabooro la siiyo Wadamada uu Britishku gumeysto, waxaana la sheegayaa in uu yahay mid uu iibsaday.

Baasaboorkaan Buga ah in uu haysto waxaa ku cadeeyay Xubno ka tirsan Xisbiga UDUB oo ay iska soo horjeedaan, kuwaasoo farta ku fiiqay markii uu Airportka kasoo dagay.

Keydmedia Online ayaa isku dayday in ay a xiriirto Xafiiska "UK Home Office", waxeyna ka gaabsadeen in ay Jawaab naga siiyaan Arintaan, sida ay u dhacday oo Faahfaahsan iyo waxa uu muteysan karo Wasiirka.

Xirsi ayaa hada ku sugan Magaalada London oo uu ku yahay Dacwe-suge.

Keydmedia Online - Xafiiska London | Editorial Desk