Wasiirka warfaafinta “hala taageero wasaaradda Bani’aadanimada”

keydmedia (Muqdisho) Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dowlada KMG C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa ka dalbaday beesha caalamka in ay isu taagto gacan qabashada wasaarada Bani'aadanimada Dowlada.
Warar Keydmedia Online
Wasiirka warfaafinta “hala taageero wasaaradda Bani’aadanimada”

" Waxaan ku baaqeynaa in gacan wanaagsan la siiyo Wasaarada Bani'aadanimada Dowlada KMG ah si ay iyana u kaalmeyso shacabka dhibaateysan ee ku barakacay Dagaalada isla markaana ay heysato dhibaatada baahsan ee dhanka nolasha la xiriirta" sida waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Warfaafinta

Dalabkan ayaa waxaa lagu soo beegay xili shalay ay ku beegneyd maalinta Bani'aadnimada Aduunka taasoo Qaramada midoobay ay asteeysay.

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa Dalka waxaa aad ugu soo badnayay dadka Soomaaliyeed ee firxanaya isla markaana ku noolaashaha Dalka ka doorbidaya in ay qaxootinimo ku noolaadaan.

www.keydmedia.net