Wasiiro isu gacan qaaday shirkii Gollaha Wasiirada

Arintaan ayaa salka ku heyso khilaaf ka dhashay Baasaboor Diblumaasi ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiiro isu gacan qaaday shirkii Gollaha Wasiirada

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar lagu kalsoonaa karo ayaa sheegaya in shirkii Gollaha Wasiirada ee shalay ay isku gacan qaadeen sii-haya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) iyo wasiiro dowlaha Wasaaraddaas Maxamed Cali Xagaa.

Ilo ku dhow dhow xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in gacan ka hadalka labadaan masuul uu yimid kadib markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga uu Baasaboor diblumaasi ah uga dalbaday Wasaaradda arrimaha Dibadda sarkaal isaga la socday

Haseyeeshee uu arintaas ka daba tegay Wasiirka Gaashaandhiga xildhibaan Amar Dambe, isagoona Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku war geliyay in amarkiisa kaliya ka shaqeyn karo Wasaaradda Gaashaandhiga, arintaanna la joojiyo.

Tallaabada uu qaaday Wasiir Amar Dambe ayaa keentay inuu ka caroodo Wasiiru dowlaha Maxamed Cali Xagaa, oo markii ay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ku murmeen uu si cad ugu sheegay inuu Wasaaradda ka taliyo amarkiisa ka shaqyenayo, taasoo keentay in Mr Xagaa uu ugu gacan qaado gudaha shirka Gollaha Wasiirada.

Doodda dhex martay labadaan wasiir ayaa la sheegayaa in ay sababtay in uu Wasiir Amar Dambe isaga baxo shirkii Gollaha Wasiirada sid ay Keydmedia Oine u xaqiijiyeen goob joogayaal meesha ku sugnaa.

Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ayaa doodda ku soo baxay, iyagoona bilaabay waan waan ku aadan xalinta arintaan, walow faah-faahin dheeri intaas ka badan laga heynin halka ay wax ku dhamaadeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.