Waxaa xoogeystay shaki laga muujinayo guddiga baarista

Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay magacaabidda uu Ra’iisul Wasaare Rooble guddiga ugu saaray, cabashada waalidiinta caruurtu ka maqan tahay, waxayse ku baaqeen in guddiga is badal lagu sameeyo.

Warar Keydmedia Online
Waxaa xoogeystay shaki laga muujinayo guddiga baarista

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu wax ka badal ku sameeyo guddiga uu u magacaabay in ay baarid ku sameeyaan cabshada waalidiinta caruurtooda loo qaaday Eritrea.

Waraaq ka soo baxday Golaha ayaa lagu yiri, “Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan Dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday,”

Dowladda Fadaraalka ayay ugu baaqeen in ay waantowdo, jahawareerinta ay ku heyso dacwada waalidiinta iyo arrimaha doolashooyinka Dalka.

Warka ka soo baxay Golaha waxaa shaki xooggan lagu galiyay dhexdhexaadnimada guddiga u badan Wasiirada iyo Saraakiisha ka tirsan Xukuumadda eedeysaan.

Keydmedia Online ayaa hore u baahisay in Ra’iisul Wasaare Rooble, uu iska indha tiray in guddiga ay iska dhex doorteen waalidiinta inuu ku soo daro guddiga barista, isla markaana uu dafiray mudnaanta gudiyada ammaanka iyo xaquuqul iinsaanka ee labada gole ee Baarlamanka, wuxuu sidoo kale xaqiray Ururada Bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.