Wafdi Uu Hogaaminayo R/wasaare Ku Xigeenka Turkiga Oo Muqdisho Yimid - Daawo

Mogadisho (Keydmedia) - Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Ra'isalwasaare ku xigeenka Dowlada Turkiga Besir Atalay ayaa maanta galinkii hore kasoo dagay Garoonka caalamaiga ee Adan Cade ee Agaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Wafdi Uu Hogaaminayo R/wasaare Ku Xigeenka Turkiga Oo Muqdisho Yimid - Daawo

Wafdigaani maanta soogaaray gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay u jeedkoodu ahaa sidii ay kormeer ugu soo sameyn lahaayeen goobaha ay dadka barakacayaasha ay dagan yihiin, iyadoo uu wafdigaani si aad ah loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobola Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamud Nuur Tarsan iyo Ra'isalwasaare gaas ayaa kamid ahaa Mas'uuliyiintii sida aad ka ah ugu soo dhaweeyay garoonka gudihiisa, isla markaasina ka socday kasocotay Dowlada TFG-da oo mas'uliyiintooda sarsare ku maqan dalka Etobiya halkaasi oo ay kaga qeygalayaan kulan ay isugu yimaanayeen madaxweynahyaasha dalalka Afrika.

Imaatinka Ra'isalwasaaare ku xigeenka dalkaasi Turkiga ayaa ah mid uu si aad ah ugu soo kormeeraayay goobo badan oo kamid ah gudaha caasimada magaalada Muqdisho waxaana uu ilaa iyo hada booqday xarumo badan oo ay qaarkood ku jiraan dadka ay abaartu ku dhufatay oo ku soo barakacay magaalada Muqdisho.

Tan iyo xiligii ay dalka ka dhacday abaarta daran ee dad iyo duunyaba saameesay ayaa waxaa dalka turkiga uu xarumo badan ku yeeshay magaalada muqdisho si uu ku caawiyo dadka dhibaateysan

Keymedia.net - Xafiiska Muqdisho