Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Kooxda falkan fulisay ayaa la sheegay inay ahaayeen Maleeshiya beeleed, waxayna beegsadeen degaan lagu magacaabo Filla-dheere oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay weerar ay gaysatay kooxo hubaysan kaasoo lagu dilay dad shacab ah, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Kooxda falkan fulisay ayaa la sheegay inay ahaayeen Maleeshiya beeleed, waxayna beegsadeen xalay degaan lagu magacaabo Filla-dheere oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa ku waramay in weerarka  lagu dilay laba nin oo kamid ahaa dadka shacabka ah, kuwaasoo aad looga yaqaanay degaanka, waxaana lagu  magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdullahi Maxamed Axmed (Jeego).

Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan degaanada maamulka HirShabeelle ayaa waxaa mudooyinkii dambe ku soo noq-noqday colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiilka, kuwaas oo lagu dilay dad maati ah oo aan waxba galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.