Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socdo gobolka Baay

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu saaka aroortii hore bilowday welina socdo. 

Warar Keydmedia Online
Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socdo gobolka Baay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabab ay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda iyo kuw Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka, waxaana la sheegayaa in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo warinayaa, balse weli  maamulka Koofur Galbeed kama hadlin.

Wixii ku soo kordho KON kala soco. 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.