Weerar ka dhacay Afmadow

Afmadow (KON) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen magaalada Afmadow waxaa ay ku dileen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku suggan magaalada Afmadow.
Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Afmadow

Weerarkaan oo dhacay saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa ka dhacay gudaha Afmadow gaar ahaana xaafado ay si gaar ah ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 2 ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay weeraka ka dhacay degmada Afmadow ee ay Shabaab kusoo qaadeen sidoo kale waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay hal askari oo kale.

Maleeshiyaadkii Shabaab ee weerarkaasi fuliyay ayaa la sheegay inay baxsadeen, sidaasna waxaa Keydmedia xaqiijiyay mid kamid ah saraakiisha Dowladda ee Afmadow ku suggan.

Weerarka kadib ayaa waxaa goobta uu weerarka ka dhacay soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaasoo howlgalo sameeyay.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa inta badan si gaar ah u beegsada meelaha ay ku sugganyihiin Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

 




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.