Weerar lagu qaaday Fariisin ay Shabaab ku leeyihiin Galbeedka Baardheere

Kismaayo (Keydmedia) - Ciidamada dowladda TFG-da ee howlgalka gaabsiga uu ku yimid ka wada qeybo kamid ah gobbolka Gedo ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday fariismo ay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay ku leeyihiin galbeedka degmada Baardheere.
Warar Keydmedia Online
Weerar lagu qaaday Fariisin ay Shabaab ku leeyihiin Galbeedka Baardheere

Wararka waxaa ay sheegayaan in weerarkaasi oo ahaa mid dhulka ah islamarkaasna ay fuliyeen ciidamada ciidamada TFG-da ay ku dileen 6 sargaal oo shabaabka ka tirsan, iyagoona weerarkaasi kaga qabsaday Labo baabuur oo kuwa qabaalka ah.

Ciidamada Weerarka soo qaaday ee TFG-da ka tirsanaa oo uu farsiinkoodu ahaa deegaanka Faafaxdhuun ayaa dib ugu soo laabtay fariisimahooda.

Wixii ku soo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo