Weerar lagu qaaday Wafdi ay la socdeen Wasiirka Arrimaha Gudaha & Taliyaha Booliska

Marka (KON) - Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ayaa sheegaya in Wafdi ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu weeraray Jidka Marka.
Warar Keydmedia Online
Weerar lagu qaaday Wafdi ay la socdeen Wasiirka Arrimaha Gudaha & Taliyaha Booliska

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Wafdigaan ayaa lala beegsaday Qarax Miino oo baabi'iyey baabuur ay saarnaayeen ilaalada gaarka ah ee taliyaha booliska.

Qaraxa kadib ayaa la isku xabadeeyay Goobta. Walnai ma cada Khasaaraha ka dhashay Weerarkaas.

Illaa hadda waxaa la soo sheegayaa in baabuur ay wateen ilaalada taliyaha booliska uu ku gubtay goobta, iyadoo 10 ka mid ah ciidanka ilaalada u ahaa taliyaha booliska ay dhaawacyo soo gaareen.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho