Ciidamada Kenyanka ee Deegaanka Qooqaani oo Werar lagu Qaaday

Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa xalay weerar Madaafiic ah waxaa ay ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Kenyaanka ah iyo kuwa TFG-da ee deegaanka Qooqaani ee gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenyanka ee Deegaanka Qooqaani oo Werar lagu Qaaday

Tirada Madaafiic ay Shabaabku ku garaaceen fariisimaha Ciidamada ayaa kor u dhaafeysa ilaa 11 xabo Madaafiic ah kuwaasoo isugu jira Hoobiyaal iyo qoryo kale oo aad u saameyn badan.

Gaashaanle Dhexa Maxamed Carab oo kamid ah saraakiisha TFG-da ee deegaanka Qooqaani ayaa xafiiska Keydmedia ee magaalada Kismaayo u sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabka ay xalay weerar duqeyn ah ku soo qaadeen, isagoona intaasi ku daray inay iska caabiyeen duqeynta ay Shabaabku ku soo qaadeen.

Waxaa uu sidoo kale xusay inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntii ay xalay ay fariisimahooda ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Shabaabka.

Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa markii dambe dib u laabtay kadib markii loogu jawaabay hub ka culus midka ay weerarka ku soo qaadeen.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo