Sababta weerarada Al-Shabaab ee Kenya u kordheen

Tan iyo 2011 markii Ciidanka Kenya kusoo duuleen Soomaaliya, Kooxda ayaa ka fulisay dalkan dhaca Geeska Afrika weeraro badan.

Warar Keydmedia Online
Sababta weerarada Al-Shabaab ee Kenya u kordheen

MANDHEERA, Kenya - Gudoomiya magaaladda Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysato gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Roba ayaa tilmaamay in askarta Kenya ay cabsi u dagaalami la'yihiin, wuxuuna ugu baaqey shacabka inay is-difaacaan, oo ay iska celiyaan Al-Shabaab oo dhaawac xoog leh gaarsiisay amniga magaaladda Mandheera.

"Waa inaan galno dagaal nafsi ah, nolashaanada cariiriga gashay waa inaan u istaagno oo aan isku tashano kan adkaano Al-Shabaab, ma aragno askar la dagaamaleysa oo cabsi ayaa heysa," ayuu yiri Guddoomiyaha.

Isagoo la hadlayay boqolal dadka degaanka katirsan, ayaa Cali Roba caddeeyay in Al-Shabaab ay awood u heshay inay weerarto meel kasta oo kamid ah Kenya, iyadoo degmooyinka xadka ku yaala noqdeen kuwa ugu daran ee soo gaartay dhibaatada Kooxdan argagaxisadda ah.

Tan iyo 2011 markii Ciidanka Kenya kusoo duuleen Soomaaliya, Kooxda ayaa ka fulisay dalkan dhaca Geeska Afrika weeraro badan, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin Westgate Mall, Dusit D2 hotel iyo Garissa University.

Kooxda Al-Shabaab waxay ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarada inta Kenya kala baxayso Ciidankeeda wadanka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.