Weerarada Al-Shabaab ee Jubada Hoose oo isa soo taraya

Waxaa xooggeysanaya weerarada ay Shabaabku ka geysanayaa gobolka Jubasa Hoose, waxana taasi lala xiriirinayaa kooxda oo awood badan ku leh degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Warar Keydmedia Online
Weerarada Al-Shabaab ee Jubada Hoose oo isa soo taraya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda amni ee gobolka Jubada Hoose, ayaa meel xun mareysa, iyadoo weerarada lagu qaadayo fariisimada ciidamada dowladda ay kordhayaan.

5-tii Weerar ee dhacday dabayaaqadii bishii November ilaa bishan December, ayaa galaaftay nolosha in ka badan 10 askari oo ka tirsan Jubaland, waxana gulufkii ugu danbeeyey ee ay shabaabku soo qaadeen, oo dhacay maalin ka hor ku geeriyooday 2 askari.

Sababo badan oo is biirsaday ayaa keenaya weeraradan soo badanaya, waxana loo sababeynayaa dhowr arrimo oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha ciidanka ay helaan oo ah mid kooban, iyo AMISOM oo ka caga jiideysa in deegannada Jubada Hoose laga xoreeyo Al Shabaab.

Ciidanka ayaa hela mushaar kooban, mararka qaarna waxba lama siiyo, waxana dhaqaalaha la dagaalanka Shabaabka ay ku qaadato Jubaland uu gacantiisa ku dhaca Axmed Madoobe oo ah hoggaanka maamulkaasi, oo isaga qudhiisu hore uga mid ahaan jiray kooxdan.

Ciidamada Jubaland ayaa mararka qaar isku daya in ay baacsadaan Shabaabka, iyagoo weeraro ku qaada deegaannada ay ku sugan yihiin, waxana weeraradaasi ka qeyb qaadanin ciidamada Kenya ee halkaasi ku jooga magaca  AMISOM, taasoo lagu sababeeyey amar ka yimid saraakiisha ugu sareysa howlgalka nabad ilaalinta ee Midawga Afrika, kaasoo yimid kadib markii dhowr jeer Kenyatiga lagu eedeeyey geysashada gabood fallo ka dhan ah bani'aadminimada.

Waxey dadka qaar la yaab ku tilmaamaan in Shabaabku ay weli ku xoogan yihiin Jubada Hoose, xilli 8 sano laga joogo markii magaalo madaxda gobolkaasi ee Kismaayo laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Shabaabka ayaa sidoo kale si buuxd gacanta ugu haya guud ahaan gobolka  Jubada dhexe, waxana Xaqiiqooyinkan oo dhami ay bidhaaminayaan in hoggaanka maamulka Jubaland aysan daacad ka ahayn la dagaalanka Kooxdan, waana mid eegta dakadda Kismaayo oo uu ka dhoofiyo dhuxusha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.