Weerarka Hotel Afrik

Warar Keydmedia Online

Waxaa wali socda Weerarka Hotel Afrik ee Muqdisho, afar saacaddood kadib Qaraxyo oo xooggan oo lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho, tani waa tabinta Warbixinta oo toos ah, sidoo kale kala soco bogga Twitter ee Keydmedia English. 

Weerarka Hotel Afrik
January 31, 2021 - 11:55:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ku geeriyooday Janaraal Maxamed Nuur Galaal.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ku geeriyooday weerarkii ka dhacay Hotel Afrik sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Weerarka oo daqiiqado kahor lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa daqiiqadihii u dambeeyay la shaaciyay inuu ku geeriyooday Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo dagannaa Hotel ka sida aan ay Keydmedia Online kasoo xigatay saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

January 31, 2021 - 11:47:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaa lasoo gabagabeeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday Hotel Afrik kaasoo dhacay galabtay abaaro 05:00 iyo qaddar daqiiqado ah.

Weerarka oo ku billowday Qarax gaari, islamarkaana ay ku xigeen weerar ay geysteen koox hubeysan oo gudaha u galay Hotel ka ayaa waxa uu qaatay muddo lix saacadood ka badan, waxaan ugu dambeyntii lagu guuleystay in lasoo af-jaro sida aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa ku geeriyooday weerarka Jaranaraal caan ahaa oo magaciisa lagu sheegay Janaraal Maxamed Nuur Galaal kaasoo dagganaa Hotel ka uu qaraxu ka dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE KALA SOCO WARARKII U DAMBEEYAY EE DALKA IYO GEESKA AFRIKA

January 31, 2021 - 11:15:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Keydmedia Online ayaa Video ka diyaarisay Macluumaadka ilaa iyo hada laga hayo Weerarka Hotel Afrik. 

January 31, 2021 - 11:14:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka KON ay heleyso ee ku aaddan weerarka Hotel Afrik ayaa waxay sheegayaa in weli ay socoto israsaaseynta labada dhinac ee dagaalku ku dhexmarayo qeybo kamida dhismaha Hotel ka.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay goobta, waxaana horay u joogay ciidamda Booliska katirsan ee Haramcad ka loo yaqaan, waxaana ku biiray kuwa Alfa Group loo yaqaan kuwaasoo ka qeyb qaadan doona weerarka habeensaday ee ka socda gudaha dhismaha hotel ka.

Galabtay ilaa caawa waxaa lasoo badbaadiyay tiro dad ah oo isugu jira mas'uuliyiin iyo dhallinyaro Hotel ka ku sugneyd goorta uu qaraxu dhacay, waxaan kamida shaqaalihii Hotel ka iyo odayaal dhaqameed ku shiray hotel ka.

Ma jiro wax wara oo ilaa iyo hadda kasoo baxay maamulka Gobolka Benaadir, sidoo kale wasaaradda Amniga iyadana weli wax wara kama soo saarin weerarkan geystay qsaaraha xooggan ee galabta ka dhacay.

 Boggaan kala soco Wararka ugu dambeeyay ee Weerarka: 

January 31, 2021 - 11:05:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Waa 11:00PM (Shan saac oo habeenimo) walina waxaa gudaha hotelka laga maqlaayaa xabaddo. Ciidamada Dowladda ayaa wali u suurtagalin in ay soo afjaraan weerarka, waxaana gudaha hotelka ku jira Saraakiil iyo dad shacab ah. 

January 31, 2021 - 10:09:00
ANKARA - Keydmedia Online

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii galabtay ka dhacay Hotel ka Afrik ee magaalada Muqdisho.

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii Argagaxiso ee galabta ka dhacay magaalda Muqdisho, kaasoo lagu qaaday Hotel ay ka buuxeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyo qaar kamida odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarka, sidoo kalena waxaa loogu duceeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

"Waxaan kaxunnahay in aan helno warka ah in dad badan naftooda ku waayeen qaar badana ay ku dhaawacmeen qaraxii bam ee ay geysteen kooxda argagixisada ah ee Al Shabab kaasoo maanta (31 Janaayo) ka dhacay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya". ayaa lagu yiri warka, iyagoo intaa ku sii daray "Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun waxaana tacsi u direynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya. Waxaan Allah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii naftooda ku waayey iyo caafimaad deg deg ah intii ku dhaawacantay"

Warka ayaa lagu caddeeyay in dowladda Turkigu ay sii wadi doonto garab istaagga Soomaalida la nool qaraxyada iyo dhibaatada ka imaanaysa kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab "Turkiga wuxuu sii wadi doonaa inuu ku garab istaago Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada". ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Turkiga.

January 31, 2021 - 9:48:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Sidaan hore ugu soo qornay bogga Twitter ee Keydmedia English, weerarka ayaa wali socda, afar saacadood kadib Qaraxii ugu horeeyay. 

 

UPDATE: The siege at Afrik hotel ongoing for the 4th hour in #Mogadishu. The Al-Shabaab gunmen are active and fighting against police with many people stuck inside, some including former army general Galal and other people evacuated.

— KEYDMEDIA English (@Keydmedia) January 31, 2021
January 31, 2021 - 4:41:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Macluumaadkii Galabta: 

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo oo xooggan ayaa lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho, meel u dhaw isgoyska No.4. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa waxa uu ahaa gaari waxlaxa qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu dhuftay illinka hore ee laga galo Hotelka.

Xilliga uu qaraxu dhacay oo ahayd 5:00 galabnimo oo ay daqiiqado wehliyaan, waxaa goobta ku sugnaa dad shacab ah oo waddada marayay, kuwa ku jiray Hotel ka gudihiisa, oo ay kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Qaraxa kaddib waxaa gudaha ugalay Hotel ka rag hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada dowladda, kuwaasoo sida la rumeysan yahay ka furtay weerar dhawaan lagu qaaday ciidamada dowladda oo hub iyo dharba looga furtay.

Hay'adda Sirdoonka ayaa heshay xogta qaraxa, mana jiro wax tillaabo ah oo ay qaadday, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Hotel ka qaraxu ka dhacay uu ahaa hotel ka ay ku shiri jireen midowga musharaxiinta, sidoo kalena lagu qabanayay toddobaadyadii ina dhaafay Shirar looga soo horjeedo dowladda, waxaana ugu dambeeyay shir ay maanta ku yeesheen Hotel ka odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, waxaana Hotelka looga dhawaaqay in Maamul ka madaxbanaan dowlada lagu dhisayo muqdisho!

Mas'uuliyiin ka tirsan ciidamda dowladda Soomaaliya ayaa ku jiray gudaha Hotel ka, waxaana Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Laba Afle laga soo badbaadiyay Hotel ka, iyagoo ku sugnaa xilligii uu qaraxu ka dhacay gudaha Hotel ka. Sidoo kale Ganacsade lagu magacaabo Xuseen Goleey oo ah milkiilaha Hotelka la weeraray, Odoyaal iyo Dhallinyaro halkaas ku sheekeesanayay ayaa iyagana lasoo badbaadiyay.

Qaraxa inta uusan dhicin waxaa jiray farriimo la isku dhaafsanayay baraha ay bulshadu ku xiriirto, sida Whats App ka iyo Facebook -ga, kuwaasoo dadka looga digayay in ay fariistaan Hotel lada ku yaal degmooyinka Waaber, Xamar Jajab iyo Xamar weyne, sida ku cad farriintan oo loo soo diray qof shacab ah ka hor inta uusan qaraxu dhicin:

Farriinta oo dhammeystiran sidan ayay u qorneyd:

"Cusboonaysiinta Sirdoonka --------

 Waxaa lagu soo warramey, khatar weyn oo ku wajahan hoteelada iyo maqaayadaha ku yaal Muqdisho 72da saac ee soo socota.

 Asxaabta waxaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan goobaha muhiimka ah ee xubnaha Baarlamaanka ama Dowlada Soomaaliya ay ku badiyaan saacadaha shaqada.

 Hoteellada waawayn, makhaayadaha iyo makhaayadaha ku teedsan wadada Maka al Mukarama ee ku dhow dhismaha baarlamaanka Federaalka waxaa loo arkaa inay yihiin bartilmaameedyo qiime sare leh AS.

 Sidoo kale hoteelada iyo makhaayadaha ku yaal degmooyinka Waaberi / Hamra Jabjab / Xamar Weyne iyo Shangani ayaa sidoo kale walaac laga muujinayaa hase yeeshe, meelaha labaad ee bartilmaameedka ah lama diidi karo.

 Waan ognahay in AS ay weeraro ku qaadi doonto goobaha labaad haddii aysan awoodin inay bartilmaameedsadaan bartilmaameedkooda koowaad.

 Fadlan ka badbaado 72-kan saacadood ee soo socda oo ka warbixi dhammaan dhacdooyinka iyo waxqabadka shakiga leh"

Laamaha ammaanku wey ku guul darreysteen in ay wax ka qabtaan qaraxyada, kani waxa uu kamid yahay qaraxyada la ogeysiiyay shacabka, kahor inta uusan si rasmi ah u dhicin, waxaana iska cad in Hay'adda Nabad sugiida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA iyo kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay wada-shaqeyn ka dhaxayso. Hoteelkii ay dowladdu ku dhib qabtay ee shirarka mucaaradka lagu qaban jiray ayaa loo weeciyay weeraradii lala eegan jiray madaxda iyo ciidamada dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE 

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo oo xooggan ayaa lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho, meel u dhaw isgoyska No.4. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa waxa uu ahaa gaari walaxa qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu dhuftay illinka hore ee laga galo Hotelka.

Xilliga uu qaraxu dhacay oo ahayd 5:00 galabnimo oo ay daqiiqado wehliyaan, waxaa goobta ku sugnaa dad shacab ah oo waddada marayay, kuwa ku jiray Hotel ka gudihiisa, oo ay kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Afar Saacadood kadib, wali waxaa gudaha Hotelka laga maqlayaa Is-rasaaseyn waxaana jira dhimasho iyo dhaawac. Macluumaad ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 ruux ay ku dhinteen Weerarka halka dhaawacu uu kor u dhaafay 10. 

Boggaan kala soco Wararka ugu dambeeyay ee Weerarka: 

Commenting is not available in this channel entry.